Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta Oo Cabasho Ah (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Darawallada kaxeeya mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa cabasho ballaaran ka muujiyey lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay.

Qaarkood uu la hadlay Goobjoog waxa ay sheegeen in lagu soo rogay hadda bishii iney bixiyaan lacag dhan 10 doolarka Maraykanka ah, taasi oo aan ahayn canshuurtii laga qaadi jiray.

Waxa ay sheegeen in lacagtaan lagu soo rogay ay tahay mid aad u badan, islamarkaana aanay awoodin in xilligan ay bixiyaan.

Darawalladan ayaa waxay ka dalbadeen madaxda sare ee Puntland iyo sidoo kale maamulka magaalada Garoowe iney ka dhinto lacagtaas.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Warbixinta-Cabashada-Lacagta-lagu-kordhiyay-Bajaajta-by-13-1-2019.mp3

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this