Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa maxay ujeedada uu Muuse Biixi ka lahaa Casuumadii Odayada Garxajis uu ugu qabtay Madaxtooyada?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne-Muuse-Biixi-oo-Hadhimo-Sharaf

Waa maxay ujeedada uu Muuse Biixi ka lahaa Casuumadii Odayada West Burco Clan uu ugu qabtay Madaxtooyada.

Sida aynu kala soconay Warbaahinta Somaliland waxaa Todobaadkan dhammaadka ah ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Casuumad uu Madaxweyne Muuse Biixi u fidiyay Madax dhaqameed iyo Odayaal kasoo jeeda Beelaha West Burco Clan oo in muddo ahba laga ururinayay Gobolada Dalka, aakhirkiina Hargaysa la isugu soo ururiyay.

Casuumadan ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uga mahad celinayay Beelaha West Burco Clan sidii Milgaha iyo Sharafta lahayd ee ay u soo dhaweeyeen markii uu dhawaan Safarka ku tegay Gobolada Bariga Dalka.

Hawshan ayaa sida Muuse Biixi Goobtii Casuumada khudbadii uu ka jeediyay ka sheegay uu door Shariif ah ku lahaa Suldaan Maxammed Xirsi Qani, sida uu Muuse Biixi sheegayna ilaa in muddo ah uu ku hawlanaa. Waxaa sidoo kale door wayn ku lahaa Ashkhaasta Beelaha West Burco Clan kaga jira Xukuumada oo uu Budh Tuur u ahaa Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Cali Baqdaadi.

Haddaba waxaa Reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaana Dadka ku abtirsada Beelaha West Burco Clan iswaydiiyeen markii ujeedada Casuumadu soo shaac baxday sababta Madaxweynuhu Beeshan sida gaarka ah ugu beegsaday maadaamaa Deegaanada uu socdaalka ku marayay ay degan yihiin Beelo kaleba oo dhammaantood si Mug iyo Miisaan leh u soo dhaweeyay.

Waxa kale oo iyana shacabka Beelaha West Burco Clan ku abtirsadaa iswaydiiyeen haddii uu Madaxweynuhu gartay inuu Beeshan, siday doontaba ha ka ahaatee, uu Casuumo uu u baalmaray Gudida ay ku doorteen Buurta Gacan Libaax islamarkaasna uu wax uga qaban waayay Qodobadii Gudidu hore ugu gudbisay.

Somalidu waxay tidhaahdaa “maxaa Sacabka habeenkii loo tumaa haddii aan Xeeladi ku jirin”

Haddaba sida xoggo isa soo tarayaa tibaaxayaan, Dad badana islamarkiiba fahmeen , waxay Casuumadani ahayd mid ujeedooyin badan ay Xukuumadu ka leedahay ha uguba horayso,doonitaanka Xukuumada ee ah inay abaabulaan Shir dambe oo West Burco Clan oo Xukuumada Muuse Biixi ay Daaha dabadiisa ka riixayso iyadoo ay u fulinayaan Shakhsiyaadka u dhegaha nugul ee haddaba Hormoodka ka ahaa inay Casuumadani qabsoonto iyadoon Gudidii West Burco Clan lasoo marin.

Waxaa Muuse Biixi iyo inta uu Talada ka qaato ka go’an inaanu waxba ka qaban Tabashooyinkii Gudida Beelaha West Burco Clan hore ugu soo gudbiyeen ee ku salaysnayd Masaalixda guud ee Qarankan aan weli 30 jirsan u Danta ah.

Waxaana Xukuumadu ku foogan tahay faragelin ay doonayso in Gudi cusub lagu sameeyo, haddii ay u suurtogashana Dano kale oo siyaasadeed lagu fushado islamarkaasna talaabada 2aad ee qorshaysani ay tahay sidii dagaal loogu qaadi lahaa Xisbiyada Mucaaridka, gaar ahaan Xisbiga Waddani.

Waxaa muhiim ah in Beelaha West Burco Clan, gaar ahaan Dhalinyaradu aad uga feejignaadaan Haydaarooyinka iyo Dabinada lagu kala furfurayo Beelaha West Burco Clan ee la rabo in iyagu la isku mashquuliyo.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu runtii Dalkan iyo Dadkan duruufaha adagi ku gedaaman yihiin uma hayaan Xal aan ahayn inay iyaga isku mashquuliyaan, kadibna ka xoogsadaan.n Xisbiga Waddani.

Waxaa muhiim ah in Beelaha West Burco Clan, gaar ahaan Dhalinyaradu aad uga feejignaadaan Haydaarooyinka iyo Dabinada lagu kala furfurayo Beelaha West Burco Clan ee la rabo in iyagu la isku mashquuliyo.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu runtii Dalkan iyo Dadkan duruufaha adagi ku gedaaman yihiin uma hayaan Xal aan ahayn inay iyaga isku mashquuliyaan, kadibna ka xoogsadaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this