Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid Ka Mid Ah Xildhibaannadii Lagu Aasaasay Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Ku Geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Waxa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil oo ka mid ahaa aasaasayaashii Golaha Guurtidda Somaliland.

guurtida-sl.jpgOLYMPUS DIGITAL CAMERA

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa xildhibaannadii Golaha Guurtida ee kaalinta weyn ka qaatay halgankii dib u xoraynta dalka, nabadayntii iyo dawlad dhiskii Somaliland, isaga oo sidoo kalena kaalin weyn ka ciyaaray dedaaladii loogu jiray horumarinta dalka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Somaliland Garyaqaan C/naasir Aaden Beegsi ayaa Wakaalada Wararka ee SOLNA, u sheegay in marxuunku uu ahaa tiir weyn oo ka baxay Golaha Guurtida, isla markaana uu ka mid ahaa xubihii faro ku tiriska ahaa ee lagu aasaasay Golaha Guurtida xilligii halgankii dib u xoraynta dalku uu socday dabayaaqadii Siddeetamaadkii.

Geesta kalena, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aaden ayaa qoyska, qaraabada iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida Marxuun Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil, waxaanu ilaahay uga baryey in uun jannooyinkiisa ku casuumo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this