Sign in to follow this  
Deeq A.

Indha-Qarshe oo beeniyey hadal uu sheegay in si qaldan looga faafiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa  Shir Jaraaid oo uu  ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Shirkan jaraa’id ayuu Indha-Qarshe ku saxay hadal uu sheegay in si qaldan looga baahiyey. Indha Cadde ayaa horey u amray in bartii lagu qabto lagu toogto xubnaha Shabaabka ah, hase yeeshee wuxuu hadda u muuqdaa inuu hadalkaas dib ula laabtay.

General Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu marnaba  ku xad gudbi doonin Sharciga u dagsan dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto dagaal ama howlgal ay horgeyn doonaan Sharciga.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin inuu sheegay in la dili doono raga ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto Howlgalada

Ugu Dambeynti, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in ujeedada Ciidanka Xoogga Dalka uu yahay in ay si adag ula dagalamaan Al-Shabaab, Balse aysan ka tagi doonin sharciga iyo kala dambeynta u dagsan dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this