Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka dhalatay askari loo gacan geliyay Al Shabaab oo ka taagan magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay askari loo gacan geliyay Al Shabaab.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay shaqsiyaad u qabteen askari ka tirsan ciidamada xooga dalka oo loo gacan geliyay Al Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Hiiraan, C/raxiin Muhumad Taakooy ayaa sheegay in gacanta ku hayaan shaqsiyaad ku eedeysay in askari ka tirsan ciidamada dalka ay gacan geliyeen Al Shabaab.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday habeen ka hor magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana xiisadda ay salka ku heysaa dhaawac uu askariga u geystay Gabar ku sugneyd magaalada Beledweyne.

Askariga kadib waxaa lagu dhaawacay aaladda Tooreyda, waxaana dhaawaca u geystay labo wiil oo gabadha ay isku reer yihiin iyaga oo kadib u dhiibay Al Shabaab, sida wararka ay sheegayaan.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amaanka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dadka askariga u gacan geliyay Al shabaab aysan ku laaban karin degmada Beledweyne, wuxuuna sheegay inay qabteen dhalinyaro falkaasi ku lug lahaa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay dhalinyarada la qabtay ay maxkamad usoo taagi doonaan eeda loo heysto, waxaana arintan ay xiisad ka dhex abuurtay dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this