Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga UPD Ee Uu Hoggaamiyo Madaxweynihii Hore Soomaaliya Xasan Sheekh Oo Laga Joojiyay Kulan Uu Ku Qaban Lahaa Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Baydhabo)-Maamulka Koofur Galbeed ayaa joojiyay kulan aqoon kororsi ahaa oo lagu waday inuu ka dhaco magaalada Baydhabo, kaasoo uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

xisbiyo-696x548.jpg

Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga UPD ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin lahaa kulanka aqoon kororsiga ah ee maanta lagu waday inuu ka dhaco Baydhabo.

“Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raalli gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed”sidaa waxaa yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban.

Tallaabadan lagu baajiyay kulanka uu qaban qaabinayay Xisbiga ayaa noqoneysa tii u horeysay oo Baydhabo ka dhacdo, tan iyo markii xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed loo doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Dowladda Federaalka ayaa horay sidan oo kale u joojisay kulamo iyo siminaar uu Muqdisho ku qaban lahaa Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this