Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS Oo shaacisay magacyada saraakiil lagu dilay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose.

Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay halka loo yaqaano Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo hoostaga degaanka Janaale ee Gobolka Sh/ Hoose.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay Saldhigyo Al Shabaab ay ku lahaayeen degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka wada tirsan G/Shabellada Hoose.

Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada laga fuliyay Howlgalka lagu bartilmaameysaday Xubno sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Ku dhawaad 85 dagaalame iyo saraakiil isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kala duwan oo Al Shabaab saldhigyo ku lahaayeen.

Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida u sheegeen Magacyada saraakiisha lagu dilay weerarka iyo Dalalka ay u dhasheen.

Magacyada xubnaha la dilay ayaa lagu kala sheegay Abuu Xamsa Bin Shaam oo kasoo jeeda dalka Masar, una qaabilsanaa Al Shabaab Tababarada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo heesta dhalashada dalka Tanzania , Abuu Bilaal Zubeyr oo heesta Dhalashada Mauritania ayaa Hore u ahaa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Abuu Musiyaan oo kasoo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin Hayaan oo kasoo jeeda dalka Yaman.

Ugu dambeyn saraakiisha Danab ayaa sheegay in goobta weerarka laga fuliyay ay aheyd Saldhigyo lagu tababaro Dagaalyahannada ka mid noqonaya Al Shabaab.

The post DFS Oo shaacisay magacyada saraakiil lagu dilay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this