Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Liverpool Oo Sii Dheeraysay Dhibcaha Hoggaaminta Horyaalka Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Liverpool)Kooxda Liverpool ayaa guul kasoo gaartay dhigeeda Brighton and Hove Albion kaddib ciyaar adag oo ay labada dhinac soo bandhigeen, Brighton ayaa diyaar u ahayd inay dhibaatayso Reds laakiin Mohamed Salah ayaa kulankan saddexda dhibcood usoo qaaday kooxdiisa.

Goolka ay Liverpool guusha ku gaartay ayaa ahaa mid gool kulaad ah oo yimid bilawga qaybtii dambe waxaana xiddiga qaladka lagu galay ahaa Mohamed Salah oo marka dambe gool u bedeli doona.

3DCF9545-F6CB-449E-840F-964C1E8BE111.jpe

Shaxaha Labada Kooxood Ee Kulankan:

BRIGHTON (4-5-1): David Button; Martin Montoya, Shane Duffy, Lewis Dunk, Gaetan Bong; Solly March, Pascal Gross, Dale Stephens, Davy Propper, Jurgen Locadia; Glenn Murray.

LIVERPOOL (4-2-3-1): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Fabinho, Virgil van Dijk, Andrew Robertson; Jordan Henderson, Georginio Wijnaldum; Xherdan Shaqiri, Roberto Firmino, Sadio Mane; Mohamed Salah.

Falanqaynta Guud Ee Kulanka:

Liverpool ayaa daqiiqadii 9-aad e ciyaarta abuurtay fursad halis badan, Andrew Robertson ayaa kubadda goolka soo hor mariyay, Kubadda ayaa daba martay Sadio Mane oo xawaare ku socday balse waxa lugta la helay Roberto Firmino kaas oo gees ka mariyay goolka.

Brighton ayaa markeeda fursad heshay, Glen Murray ayaa boos ka dhex helay Fabinho iyo Arnold kaddib darbad madax ah oo uu galay xiddiga ayaa kubadda halka sarre ka mariyay goolka.

Intaa kaddib Liverpool ayaa weeraro is xigay qaaday, Xiddigaha kala ah Fabinho iyo Xherdan Shaqiri ayaa labaduba ku dhawaaday inay hoggaanka u dhiibaan kooxdooda, Fursadahooda oo labaduba ahaa kuwo madax ay ku dhalin rabeen ayaan suurogalin.

Ciyaarta ayaa noqotay mid ay gabi ahaanba fursada halista badani ku yaraadeen, Reds ayaa qaadayay weerar joogto ah iyaga oo ahaa kooxda kubadda haysta laakiin Brighton qudheeda ayaa si adag u wajahaysay xiddigaha Klopp.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay bar-bardhac goolal la’aan ah, Qaybtan ayaa ahayd mid ay labada kooxoodba ku fashilmeen inay bar-tilmaameed goolka ah sameeyaan.

Liverpool ayaa fursad weeraro rogaal celis ah ay ku heshay ku wajahay goolka Brighton, Mohamed Salah ayaa kubadda ku tuuray goolka Seugulls laakiin waxa ka badbadiyay goolhaye Button.

Rigoore: Reds ayaa gool kulaad helay daqiiqadii 49-aad ee ciyaarta, Xiddiga ree Germany ee Pascal Gross ayaa qalad ku galay Mohamed Salah isaga oo ku dhex jiitay diilinta ganaaxa.

GOOAL: Mohamed Salah oo ahaa xiddiga qaladka lagu galay ayaa gool u sarifay gool kulaadka kooxdiisa lagu abaalmariyay isaga oo darbad xoogan dhex dhigay goolka uu masuulka ka ahaa Button.

Brighton ayaa daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta samaysay fursad gool noqon kartay, Jurgen Locadia ayaa meel 25 yard u jirta goolka Liverpool ka darbeeyay kubad joog hoose ku socota oo ugu dambayn hareer martay goolka.

Khadka dhexe ee Liverpool ee Wijnaldum ayaa kubad ka helay Salah markii wakhtiga rasmiga ah ee kulanka ay ka hadheen 9 daqiiqo, Xiddiga ree Holland ayaa isku dayay inuu kubada ka fogeeyo goolhaye Button laakiin fogaanshihiisa ayaa sababay in isku daygiisu goolka dhinac maro.

Wakhtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray Brighton ayaa samaysay fursad halis badan, Andone ayaa kubad halis ah goolka soo hor mariyay balse waxa kubadda oo ku socotay Locadia ka fogeeyay da’yarka Arnold, Fursadan ayaa halis weyn ku noqon kartay Reds.

Ugu dambayn, Ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay 0-1 ay guushu ku raacday kooxda martida ahayd ee Liverpool isla markaana uu Mohamed Salah ahaa shaqsiga kulanka go’aamiyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this