Deeq A. Posted January 13, 2019 Wax walba maxsuulka la eega, waxa gabyey abwaan, xukuumaduna waxay kaga jawaabtay xadhig. Talaabada ay xukuumadu qaaday iyo Abwaanka gabyey keeba hada faa’iiddo jooga, dee faa’iidada waxa helay Abwaanka, sababtuna waa sidan:. Hadii aan ku horeeyo faa’iidada uu abwaanka: 1.Abwaanka haddii in yari taqaanay hadda soomaali oo dhan way baratay xadhigana sababay. markii la xidhay waxa kor u kacday dhagaysiga ama daawashada sugaantiisii hore iyo kuwii xalay, qof waliba wuxuu xiisaynayey inuu ogaado wixii lagu xidhay ee uu abwaanku yidhi. sida ay SNM ugu faanto SNM-nimada ayuu isna ugu faani doona inuu damiirkiisu diiday inuu wax khaldan oo uu arkay ka aamuso, taasina waxay u noqonaysa CV fiican oo taariikhda u gasha, waxaanu hadda la masaal yahay Hadraawi iyo Cabdiqays oo ahaa labadii abwaan ee ugu xadhiga badnaa nidaamki Siyaad Bare, hadii uu maanta isa soo sharaxana dadku ugu codeyn lahaayeen. 4.xadhigaasi wuxu horseedi doonaa dhalinyaro badan oo hal abuur leh oo iyaguna si ay caan u noqdaan oo jidkan oo kale u mari doonna inay ku soo baxaan, dadkeenu waxayba ka helaan hebel waxaas buu neceb yahay ama waxaas waa laga xanaaqaa. Dhinaca xukuumadda ee ceebta ay u keenayso xadhigaasi. Dawladnimada iyo dimuqraadiyadaba ceebay ku tahay qof baa hadlay oo la xidhay,taasina waxay fool xumo u keenaysa aragtidii caalamku inaga qabay inay hoos u dhacdo ayey sababaysaa. Wixii aynu ku faani jirnay ee xoriyatul qawlka iyo inuu qof kasta dareenkiisa cabiro karo ee dastuurku damaanad qaadayna calaamatul su’aal bay galinaysaa oo dastuurkii waxay ka dhigaysa waraaqo la iska qortay oo aan shaqaynayn. Dalalkii ina taageeri jirey iyo beeshii caalamka ee dimuqraadiyadeena dhaqaalaha ku bixin jirtay ee caalamka kale ka dhaadhicin jirey dal yar oo aan la aqoonsan baa jira Afrika ka jira oo dimuqraadi ah waji gabax bay ku noqonaysaa. Warka xun ayaa ka dheereeya warka fiican, boqolkii fiicnaa ee aynu qabsanay waxa laf jab ku noqonaysa xadhigaasi abwaanka. Hay’adaha xuquuqda aadanaha u doodda waxay xadhigaasi gaadhsiinayaan meel kasta oo ay sheegayaan in Somaliland xoriyatul qawlkii iska daysay kuna sii socoto nidaamkii digtaytarka oo kale., waxaas oo fadeexadana gacanteeda waxa ku abuuranaysa waa xukuumadda. Hadaba, labadaasi dhinac iyama faa’iido taagan, Abwaanka waa la iska sii deyn, laakiin qarankii dhamaa ceebtii soo gaadhay iyama door bideen. Maanta hadii aan la xidhi lahayn cid badan may ogaateen, balse waxa xiiso u yeellay suugaantiisii waa xadhigaasi, marka faa’iidada ugu badan waxa helay waa Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source Share this post Link to post Share on other sites