Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyadda XFS Oo daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda 2019-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Isticmaalka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2019 ayaa maanta si rasmi ah u furmay ka dib munaasabada ballaaran oo ka dhacday M/ Muqdisho,taasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kaladuwan.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo  maanta si rasmi ah u Daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee Sanadkan 2019,madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha kaladuwan ee dowladda Soomaaliya iyo Hanti dhowraha guud ee Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Hanti Dhowraha guud ee Qaranka ayaa sheegay in miisaaniyaddii dalka ee 2018 si wanaagsna loo isticmaalay,iyagoona raja wanaagsan ka muujiyay in midda 2019 si lamid ah iyo si ka sii hagaagsan loo isticmaalo.

Dadaalka ay wadda wasaaradda Maaliyaddda Dalka marka laga soot ago horumarinta dhaqaalaha dalka waxaa sidoo kale kamid ah,qorshe Soomaaliya deymaha looga cafinayo,iyo sidii dalka lacago cusub loogu soo daabici lahaa.

Dhawaan ayay ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay miisaaniyadda dalka ee sanadka 2019,iyadoo maanta wixii ka dambeeyey si toos ah loo isticmaali doono

The post Wasiirka Maaliyadda XFS Oo daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda 2019-ka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this