Sign in to follow this  
Deeq A.

QM Oo ka hadashay xaaladaha muhaajiriinta ku sugan Libya

Recommended Posts

Deeq A.   

New York ( Sh. M. Network )-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dowladda Libya ugu baaqabay in ay wax ka qabato dhibaatooyin ka lagu hayo muhaajiriinta ku xiran qaar ka mid ah xabsiyada dalkaasi

Mr Guterres oo warbixin siiyay golaha ammaanka ee QM ayaa xusay in ay sare u sii kacayso xadgudub ka dhan ah aadanaha oo ku sii fidiya goobaha dadka lagu qabto ee ku yaalla dalkaasi

Xoghayaha guud ayaa sheegay in kumanaan ruux oo qaxooti ah lagu qabsado deegaano ay gacanta ku hayso dowladda, halkaas oo lagu kaco jirdil,cagajugleyn iyo handadaad.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadka lagu dhibaateeyo dalka Libya ay isugu jiraan caruur,haween iyo rag, kuwaas oo dhamaantood doonayay in ay u safraan qaar ka mid dalalka Yurub.

Warbixinta uu sii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay golaha ammaanka ayaa waxaa uu dowladda Libya ugu baaqay in ay ka hortagto jirdilka iyo tacdiyada lagula kaco muhaajiriinta ku sugan gudaha dalkaasi

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in nus malyuun ruux oo muhaajiriin ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Libya, kuwaas oo u badan caruur iyo haween.

The post QM Oo ka hadashay xaaladaha muhaajiriinta ku sugan Libya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this