Deeq A. Posted January 13, 2019 Cadaado ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay gudaha magaalada Cadaado ee G/Galgaduud. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ku soo qabteen illaa 3 Qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lacago sharci darro ah ka qaadi jiray dadka deegaanka. Guddoomiyaha degmada Cadadaado C/laahi Cabdiraxmaan Xuseen (Tootoole) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi. Waxaana uu tilmaamay in dhalinyarada la qabtay ay dadka deegaanka isaga dhigi jireen kuwo hay’ado ka socda, islamarkaana ay ka qaadi jireen Lacago diiwaangelin ah. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Tootoole.mp3 The post Galmudug Oo howlgallo ka sameysay M/ Cadaado appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites