Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab Oo Burburisay Xarumo Isgaarsiineed Oo Ku Yaalla Gudaha Dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Gaarisa)-Al-Shabaab ayaa la sheegay inay bur buriyeen Isgaarsiin ku yaalla deegaano ka tirsan Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Sida ay qoreen warbaahinta Kenya anteenooyinka ay burburiyeen Al-Shabaab ayaa u adeegsaday waxyaabaha qarxa.

Anteenooyinka ayaa waxaa leh Shirkadda Safaricom oo ah Shirkadda Isgaarsiinta ugu weyn dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Weel Mareer oo ka tirsan Gaarisa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen deegaanka Weel Mareer, waxaa markii dambe ay burburiyeen shirkadda Isgaarsiinta Safaricom.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this