Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadiniin Soomaali Ah Lagu Xidhay Tanzania Xilli Uu Hawlgal Xooggan Ka Socdo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Tanzania)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Tanzania, Kangi Lugola waxa uu amar ku bixiyey Hawlgal lagu soo qabanayo Muhaajiriinta shisheeyaha ee sida sharci-darrada ah ku soo gala dalkaasi.

Wasiirku waxa uu ku amray Saraakiisha Waaxda Socdaalka inay guri-ka-guri uga baaraan Muhaajiriinta ku dhuumaalaysata Goballadda Kagera iyo Kigoma, ee xuduudka la leh dalalka Uganda, Ruwanda, Burundi iyo Kongadda Dimuqraadiga.

Hawlgalkaasi ayaa la rajeynayaa in la soo dhamaystiro bisha July ee sannadkan, xilligaasi oo la qaban doono Doorashadda Deegaanadda ee dalkaasi.

Dhinaca kale, Boliska magaalladda Morogoro ee dalka Tanzania waxay isbuucii hore gacanta ku dhigeen 11 Muhaajiriin Soomaali ah, kuwaasi oo la sheegay inay si sharci-darro ah ku joogeen dalkaasi.

Dhallinyaradaasi ayaa la sheegay inay xilligii la qabanayey la socdeen Bas ku sii jeeday Deegaanka Iringa.

Hawlgalka Boliska Tanzania ku ugaarsanayaan Shisheeyaha sharci-darradda ku jooga dalkooda ayaa ku soo beegmay iyadoo ay bishii Janaayo ee sannadkii hore dalkeenna ka soo masaafuriyeen 71 Muhaajiriin ka soo kala jeeday Somalia, Kenya, Ethiopia, Ruwanda, Nigeria, Ruwanda, Kongo iyo dalal kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this