Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar xoogan Oo xalay lagu qaaday Guriga guddoomiyaha Dayniile Ee M/Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay lagu qaaday hogya guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar oo ku yaalla inta u dhexeysa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa loo adeegsaday bamgacmeed, iyadoona Raggii ka dambeeyay ay goobta isaga baxsadeen.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhintay 1 Qof , halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo isugu jira askar iyo dad shacab ah.

Qofka dhintay ayaa aheyd Haweeney mareysay waddada, halka shanta dhaawacantayne labo ka mid ah ay ahaayeen ilaalada Guriga guddoomiyaha, saddexda kalena ay ahaayeen dad rayid ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa sheegtayweerarada ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaas oo lala eegta madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

The post Weerar xoogan Oo xalay lagu qaaday Guriga guddoomiyaha Dayniile Ee M/Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this