Deeq A. Posted January 13, 2019 Garissa (Sh. M. Network )-Al Shabaab ayaa ka hadlay weerar xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ay ku qaadeen agagaarka degmada Garissa G/Waqooyi Bari ee Kenya. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ay si nabdoon kula wareegeen deegaan hoostaga degmadaasi, kadib markii ay ka baxeen Ciidamada Kenya. Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in ay dab qabadsiiyeen, islamarkaana ay gubeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Safaricom ku laheyd halkaasi. Al Shabaab ayaa ku eedeeyay shirkaddaasi in ay la shaqeyso Ciidamada milatariga dowladda Kenya. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in markii dambe Al Shabaab ay ka baxeen deegaankaasi, dibna ay ula wareegeen Ciidamada ammaanka Kenya. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo deegaano dhowr ah oo dhaca xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. The post Al Shabaab Oo gubay xarun ay Safaricom ku laheyd Garissa appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites