Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u dambeyay Al Shabaab oo weerar ka fuliyay Kenya iyo xaruno la burburiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (Caasimada Online)-Ciidamo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayaa weerar culus ka fuliyay gudaha dalka Kenya, waxaana weerarkaasi uu ka dhacay deegaan ku dhow magaalada Gaarisa.

Weerarka ayaa waxaa lagu burburiyay xarunta shirkadda Safaricom ay ku laheyd duleedka magaalada Gaarisa, waxaana qoraal kasoo baxay Al Shabaab lagu sheegay inay iyaga ka dambeeyeen weerarka iyo burburinta xarunta.

Deegaanka Weel Mareer ayaa dagaalka xoogiisa uu ka dhacay, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamada dowladda Kenya, kuwaasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay weerarka oo ahaa mid qorsheysan.

Qoraal kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka oo ahaa mid xoogan ay u suuro gashay inay qabsadeen deegaanka Weel Mareer, kadibna ay gubeen xarunta shirkadda, islamarkaana ay dib kaga baxeen deegaankaasi.

Shirkadda Safaricom ayaa marar badan weerar lagu burburinayo xarumaheeda Waqooyi bari kala kulantay Al Shabaab, waxaana sidaasi oo kale ciidamada Kenya ay burburiyaan xarumaha Shirkadda Hormuud ee gobolka Gedo.

Saraakiil u hadashay ciidamada Kenya ayaa dhankooda sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid ciidamada Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this