Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda KULMIYE Ma Doonayso In Dalka Doorasho Ka Dhacdo. By: Saleeban Yuusuf Dhakhtar

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ma doonayso inay doorasho ka dhacdo dalka, xitaa sanad ka dib inay dhacdo ma doonayso, waxba yayna xisbiga waddani kula galgalan.

4BDD2E72-28CC-47C1-8154-1D4F7C1C5508.jpe????????????????????????????????????

Luuqada ku qoran warqadii mudo kordhinta ee Madaxweynuhu u diray golaha guurtida ayaa sidaas tilmaamaysa.

Dimuqraadiyaddii Somaliland maanta in la badbaadiyo oo waliba xukuumadeena laga badbaadiyo ayey u baahan tahay.

Madaxweyne dalka adaa masuuliyadiisa haya, adaa maanta lagaaga fadhiya dedaalkii, kartidii iyo tanaasulkii aad umadda isugu soo jiidi lahayd, dalkana aad doorasho kaga qaban lahayd.

Madaxweyne sharafta dalka iyo taadaba ilaali, Somaliland maanta sharaf dhac ayey ku tahay inay doorasho baarlamaan oo 9 sanno mudo dhaaf ah ay qabsan kari waydo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this