Deeq A. Posted January 12, 2019 Ceelbuur ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay askar ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya ku soo bandhigay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Askartani oo gaareysa illaa 5 ayaa waxaa lagu soo bandhigay degmada Ceelbuur ee gobolkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa goobta lagu soo bandhigay askartaasi ayaa sheegay in ay ka soo goosteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale mas’uuliyiintani ayaa sheegay in Ciidankaasi ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka Ciidamada Ethiopia ee ku sugan halkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Ma’ahan markii ugu horreysay oo Al Shabaab ay soo bandhigaan askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo u goostay dhankooda. The post Al Shabaab Oo askar ku soo bandhigay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites