Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM Oo qarax lagula eegtay Heliwaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM maanta lagula eegtay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Ciidankaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa isgoysyada Soos iyo Ex Koontarool Balcad ee degmadaasi.

Qof goobjooge ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah kolonyada ay wateen Ciidamadaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qaraxa kadib rasaas xoogan ay fureen Ciidamada AMISOM , walow aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay rasaastaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-qarax.mp3

The post Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM Oo qarax lagula eegtay Heliwaa appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this