Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Al-Shabab oo soo bandhigay askar DF kasoo goosatay oo isku dhiibay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay shan askari oo ay sheegeen inay ka goosteen ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, kadibna ay isku dhiibeen.

Askartaasi ayaa lagu soo bandhigay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dhalinyarada ka goostay ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Maxaas ayaa la sheegay inay gadood ahaayeen, waxaana warbaahinta Al Shabaab ay daabacday in xubnahaan ay kamid ahaa ciidamada difaaca ee degmada Maxaas.

Shabaab ma sheegin Magacyada askarta ay sheegeen inay ka goosteen dowladda,isla markaana isku dhiibay,waxaana sidoo kale weli ka hadlin saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan.

Dhawaan degmada Maxaas waxaa ka dhacay dagaal qabiileed sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana xiisadda ay wali ka taagan tahay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

1-54.jpg 2-54.jpg 3-46.jpg 4-41.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this