Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS Oo howlgal qorsheysan ka fulisay gobolka Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Janaale ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Bankarafta Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen agagaarka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Hantiwadaag oo 12 Km u jirta deegaankaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in meesha la weeraray ay ku sugnaayeen Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku xoogan halkaasi.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkaasi oo ahaa mid xoogan.

Balse Al Shabaab oo ka hadlay waxa ay sheegeen in Ciidamadu ay gubeen illaa 3 Guri oo ay daganaayeen dad Shacab ah.

Sidoo kalena ay jir dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan howlgalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

The post DFS Oo howlgal qorsheysan ka fulisay gobolka Sh/ Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this