Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan kuwa dowladda Oo tababar loogu qaaday Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho  ( Sh. M. Network )-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa maanta sii sagootiyay Askar ka tirsan Ciidamada dowladda, kuwaas oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

Askartani oo tiro ahaan gaaraya 300 oo Askari ayaa qeyb ka ahaa  ururka Gorgor ee Ciidanka Xoogga  Soomaaliyeed.

Wasiir Amar Dambe ayaa Ciidamadani uga digay in ay baxsadaan marka la geeyo dalkaasi Turkiga.

Ciidamada la qaaday ayaa muddooyinkii la soo dhaafay tababar ku qaadanayay xarunta tababarka Turki-Som ee magaalada Muqdisho.

Shalay ayey aheyd markii ay dalka ku soo laabteen saraakiil iyo saraakiil xigeen tababar ku soo qaaday gudaha dalka Turkiga.

The post Askar ka tirsan kuwa dowladda Oo tababar loogu qaaday Turkiga appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this