Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Dhaqaaje su’aalo ka weydiiyay kharashaadka dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdulalahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiinta sare ee wasaaradda maaliyadda Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha maaliyadda Puntland,gaar ahaanna ilaalinta karashaadka dowladda ee xilligan kala-guurka ah oo ay is-beddelayaan madaxda u sarraysa Puntland.

Wararku waxay sheegayaan, in wasiirka maaliyadda intii kulanku socday wax laga weydiiyay in uu dhaqan-gelay amarkii madaxweynaha cusub ku xannibay dhammaan kharashaadka dowladda ee ku kaydsan bangiga dhexe iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Dhaqaaje su’aalo ka weydiiyay kharashaadka dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this