Sign in to follow this  
Deeq A.

DAAWO: Golaha Guurtida Oo Maalinta Bari Ah Dib Ugu Dhigay Kulan Maanta Lagaga Arrinsanayay Dib U Dhaca Doorashooyinka Iyo Jawigii Saaka Oo Buuq Ku Soo Dhammaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Kulan ay maanta sabti ah lahaayeen xildhibaannada golaha guurtida Somaliland oo lagaga arrinsanayay muddo kordhin loo samaynayo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa dib loo dhigay.


Shir guddoonka golaha guurtida ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in kulankaasi dib loogu dhigay maalinta bari ah, lama sheegin sababta keentay in dib loo dhigo kulankaasi.


Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu dhawaan golaha guurtida u gudbiyay warqad uu ku farayo inay waajibkooda dastuuriga ah ka gutaan muddo kordhin loo sameeyo xildhibaannada golleyaasha wakiillada iyo deegaanka dalka.


Xisbiga KULMIYE iyo UCID ayaa waxa ay heshiis ka gaadheen muddo kordhinta loo samaynayo labada golle ee wakiillada iyo deegaanka.
Xisbiga WADDANI ayaa la filayaa in uu maanta ka hadlo mawqifkiisa ku aadan dib u dhaca doorashooyinka.

Halkan ka DAAWO jawigiisa saaka ee golaha guurtida iyo qaabka ay wax u dheceen

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this