Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka Oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiye ku xigeenka Guddigaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qoraal ka soo baxay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa lagu sheegay in xilka ay ka qaadeen guddoomiye ku-xigeenka guddigaasi Sayid Cali Sheekh.

Guddiga ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka in uu ku tuntay sharuucda guddiga, islamarkaana uu ka shaqeeyay in uu dumiyo guddiga.

Qoraalka ayaa waxaa ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo shan xubnood oo ka mid ah Guddigaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay gudoomiye ku xigeenka xilka laga qaaday oo ku aadan arrintaasi.

 Halkan hoose ka Akhriso:-

1-6-225x300.jpg

The post Guddiga Doorashooyinka Oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiye ku xigeenka Guddigaasi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this