Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Sh/ Hoose Oo sheegay in ay la dagaalamayaan kooxaha Isbaarooyinka dhigta gobolkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray kooxaha Buracadda ee Isbaarooyinka dhigta deegaanada gobolkaasi.

Guddoomiye Barre ayaa tilmaamay in si isku mid ah ay ula dagaalami doonaan Al Shabaab iyo Burcaddaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/ismaaciil-turki-.mp3

The post Maamulka Sh/ Hoose Oo sheegay in ay la dagaalamayaan kooxaha Isbaarooyinka dhigta gobolkaasi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this