Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Goormuu xilka la wareegaya madaxweynaha cusub?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la qorsheeyay, in uu si rasmi ah xilka ula wareego maalinta Isniinta ah ee ku beegan 14-ka bishan Jannaayo 2019.

Mudane Deni ayaa xilka kala wareegaya Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo Puntland soo maamulayay 5-tii sano ee u dambaysay,balse looga adkaaday doorashadii todobaadkii hore.

Sida ku cad Dastuurka dowladda Puntland qodobkiisa 80 aad fiqraddiisa 4aad, madaxeynaha cusub waxaa waajib ku ah, in uu mudda 21 cisho ah ku soo dhiso golihiisa xukuumadda.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Goormuu xilka la wareegaya madaxweynaha cusub? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this