Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab maaha: Kooxda Somalia ugu halista badan hadda oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamada qalabka sidda, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa faahfaahin ka bixiyay Kiisaskii ugu badnaa ee sanadkii lasoo dhaafay ay qabatay Maxkamadda Ciidamada.

Waxaa uu sheegay in Kiisaska ugu badan ee soo gaaray Maxkamadda in ay yihiin Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in yihiin ugu halista badan Soomaaliya.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in wali ay taagan tahay halista  waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda ah, uu sheegay in ay halis ku yihiin Nolosha Umadda Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Kooxda ugu halista badan Soomaaliya hadda ay tahay Kooxda Daacish oo Sanadyadii ugu dambeeyay Soomaaliya kasoo ifbaxday.

Daacish ayaa u muuqata, inay hadda halis ahaan ka sare mareyso kooxda Daacish, ayada oo kooxdan ay isku dayeyso inay is-muujiso, islamarkaana ay gacanta ku dhigto deeganao badan.

Hoos ka dhageyso Shuute

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/cod-1-maxakda-ciidanka-1.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this