Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Xukumada Muuse Biixi oo shaaciyay ‘Ruuxii ugu haboonaa’ oo ay jeclaayeen in loo doorto Madaxweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir ka tirsan Xukumada Muuse Biixi oo shaaciyay ‘Ruuxii ugu haboonaa’ oo ay jeclaayeen in loo doorto Madaxweynaha Puntland

 koore.png

Wasiir ka tirsan Xukumada Muuse biixi oo oo walaac weyn ka qaba doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ayaa ka hadlay ruuxa ugu wanaagsanaa ee ku haboonaa inuu kusoo baxo doorashada Puntland.

Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cai Koore oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay filayeen in doorashada magaalada Garowe uu kusoo baxo Cali Ciise Cabdi oo ahaa musharax aan codad la sheego ka helin doorashada.

Wasiir Koore, ayaa sheegay in doorashadii Puntland ay muujisay inaan la wada laheyn deegaanada Puntland, balse hal qabiil oo kaliya ay leeyihiin, maadaama inta badan dadka kasoo jeeda Garowe, Gaalkacyo ama Boosaaso loo doorto madaxweynaha Puntland.

Musharax Cali Ciise Cabdi ayuu sheegay inuu ahaa ruux mudan inuu hogaamiyo Puntland balse aysan dhicin, taasi oo dhibaato ku ah dadka aan kasoo jeedin gobolada Bari, Mudug iyo Nugaal.

Cali Ciise ayuu ku amaanay taariikhdiisa iyo waxqabadka lagu yaqaanay, balse xildhibaanada Puntland aysan tixgelin waxqabadka shaqsiyadeed ee Cali Ciise.

“Waa wax aad iyo aad looga naxo natiijada doorashada, inaan la wada laheyn Puntland waxaa noogu filan, beentii dadka horey loogu sheegayayna oo in meesha reer leeyahay waxaa ugu filan doorashadii Cali Ciise Cabdi iyo meesha la dhigay, wuxuu ahaa shaqsigii ugu waayo aragsanaa Africa, sagaal wadan oo Africa ahna soo dhisay”ayuu yidhi Koore.

Cali Ciise Cabdi ayaa kamid ahaa musharixiintii sida weyn loo hadal hayay, balse ma noqon sidii laga filayay & Si u dhaw toona.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this