Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamadda Puntland Iyo Kooxaha Al-shabaab & DAACISH Oo Isku Baacsanaaya Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Garoowe)Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Puntland ay howlgallo ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ay ka wadaan Deegaanada ka tirsan Gobalka Bari.

DE1FB29D-A3F4-4B05-BC34-E545C2A0F080.jpe

Ciidamada oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo sheegayaa inay howlgallo xoogan ka sameeyeen buuralaydka gobolka Bari.

Howlgaladan oo badanaa ah kuwa joogto ah ayaa waxaa ciidamada ammaanku ay ku baadi goobayeen xubnaha ka tirsan Daacish iyo Alshabaab.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii maalmo ka hor uu Madaxweynaha la doortay ee Puntland kulan la qaatay saraakiisha Amaanka ee deegaaanada Puntland, isagoona kala hadlay in la bilaabo dagaalka adag ee lala galayo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish, waxaa uuna saraakiisha faray in howlgalada ay ka bilowdaan Gobalka Bari.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this