Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Difaaca Dawladda Ingiriiska Oo Baajiyay Safar Uu Ku Iman Laha Magaalada Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-London)Tan iyo markii ay dowlada Soomaaliya dalka ka caydhisay wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada u qaabilsanaa Soomaaliya Nichalos Haysom, waxaa shaki badan la galinayay habka uu ku sii wanaagsanaan karo xidhiidhka diblomaasiyeed ee soomaaliya kala dhaxeeyo wadamo badan oo ka soo horjeestay go’aankii ay Haysom ka qaadatay dowlada.

2700DE43-D255-4BD9-8BEB-C5E0442766C7.jpe

Dalalka ka soo horjeestay aadkana u cambaaray’yay caydhintii N. Haysom waxaa kamid ahaa wadamada ku bahoobay midowga Yurub gaar ahaan dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska.

Xoghayaha difaaca ee dowlada Britain Givan Williamson, oo dhawaan booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Hargeisa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa baajiyay kulan uu caasimada Muqdisho kula yeelan lahaa madaxwayne Farmajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Baaqashada ku timid kulanka uu xoghayaha difaaca UK la qaadan lahaa masuuliyiinta ugu sareyso dowlada faderalka ayaa daba socota xiriirka diblomaasi ee sii xumaanaya ee ka dhaxeeya dowlada faderalka iyo dowlada Britian tan iyo khilaafkii ka dhashay ceyrintii Mr Haysom, sida uu daabacay Wareyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska.

1’dii bishan Koobaad ayay ahyd markii dowlada Soomaaliya ay dalka ka caydhiyeen wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya N. Haysom, oo su’aal laf dhuungashay ku noqotay dowlada ka keenay Xadhiga Mukhtaar oo Roobow lyo qalaalasihii ka danbeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen dad ku dhaw 20 ruux.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this