Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Hore Ee Zimbabwe Robert Mugabe Oo Lacag Kaash Ah Laga Xaday.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Zimbabwe ) Saddex qof ayaa maxkamad lagusoo taagay dalka Zimbabwe, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xadeen boorso ay ku jirto $150,000 oo kaash ah oo uu lahaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas, Robert Mugabe.

1FDE9087-46C1-490E-9301-4825DABA6C16.jpe

Tuugada la tuhunsan yahay ayaa la sheegay in ay lacagtaas ku gateen gawaari, guryo, iyo xoolo nool.

Sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas, mid kamid ah qaraabada madaxweynihii hore, oo lagu magacaabo Constantia Mugabe, ayaa kamid ah eedaysaneyaasha.

Waxaa la sheegay in ay haysay furayaasha guri uu Mr Mugabe ku lahaa tuulada Zvimba, oo u dhaw magaalada caasimadda ah ee Harare, ayadoo tuugada kalena u fududaysay in ay gurigaas galaan.

Dadka kale ee la tuhunsan yahay ayaa gurigaas looga shaqaalaysiiyay in ay nadiifiyaan markii ay xatooyadu dhacaysay, taas oo la sheegay in ay dhacday intii u dhaxaysay 1-dii bishii December ilaa horraantii January.

Mr Mugabe, oo haatan 94 jir ah, ayaa waxaa xoog talada dalka uga tuuray militariga Zimbabwe sanadkii 2017-kii.

Waxa uu talada dalkaas hayey 37 sano, asagoo markii hore noqday Raysul wasaare kadibna madaxweyne.

Tan iyo markii uu hawlgabka noqday, Mr Mugabe waxaa dhib ku ahaa socodka, wuxuuna muddo dhowr bilood ah arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka Singapore.

Ma cadda in uu guriga ku sugnaa markii ay xatooyadu dhacday.
Saddex kamid ah dadka la tuhunsan yahay ayaa lagu sii daayey damaanad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, halka qofkii afraadna la siidaayey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this