Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne goorma ayay kula qumanaadeen madaxweyne wixii shalay kula qaloocnaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

GOORMAY KULA QUMANAADEEN MADAXWEYNE WAXII SHALAY KULA QALOOCAY !!!
====================================================================

Waxa soo baxday in la kordhinayo oo doorashooyinkii dalku dib u dhacayaan mudo aan la sii garanayn, golaha guurtida Somaliland na kalfadhi aan caadi aheyn la isugu yeedhay maalinta sabtida.

Haddaba marka aynu Somaliland eegno intii ay qaadatay nidaamka dimuqaradiga ah doorashooyinkii dalku xiligii loo cayimay kuma dhacaan iyada oo aanay jirin sabab macquul ah marka laga reebo mudokordhintii ugu dambaysay ee doorashadii madaxtooyada Somaliland oo ay Somaliland ka dhacday abaar baahsani.

Waliba waxa xusid mudan iyada oo dad iyo xoolaha la madhanayo oo ay ahayd ta kaliya ee duruufihii sharcigu tilmaamayay ku xusan , Madaxwayne Biixi waxa uu ahaa ninkii yidhi aynu doorasho galno isaga oo kursigu u muuqdo, laakiin aan u fahmay in aanu dan ka lahayn dadka iyo xoolaha madhanaya ee reer Somaliland.

Waxa uu tusaale inoogu soo qaatey wakhti dawladii Somalia ay dagaal ku jirtay oo doorashona ku soo beegantay in ay ahayd baan filayaa 1964kiiye.

Haddaba shalay markii uu mucaaridka ahaa wuu diidanaa mudo kordhinta ee isweydiintu waxa ay tahay waxii shalay kula sharci darada ahaa maanta ma sharci ayey kula noqdeen?

Waxii aad shalay diidanayd ee ahaa in komishan aanad kalsooni ku qabini uu doorasho kuu qabto ayaad maanta jeceshahay in komishan aan kalsooni loo haynini uu dadka wali soo hor fadhiyo.

Waxa xisbigaaga iyo inta taabacsani ku doodaan xisbiga WADDANI baa diiday doorashada oo muranka iyo dooda uu ka qabo komishanka ayey doorashadu dib you dhacaysaa , isweydiintu waxa ay tahay dooda miyaanay aheyn mid ay xaq u leeyihiin hadii aanay ku kalsoonayn, miyaanay wanaagsanayn in garsoorkana la badelo oo aad tanaasushaan sidii shalay la idiinku tanaasulay iyada oo ahmiyadu tahay in doorasho dalka ka dhacdo.

Somaliland waxa ay wax ku tahay oo ku iibsamaysaa in ay nidaamka ay qaadatay ka run sheegto oo doorashooyinka dalka wakhtigooda lagu qabto, doorashada dib u dhacday dalkana waa ku sumcad daro, xukuumada joogtana waa ku ceeb iyo foolxumo.

Markaa waxaaban anigu shaqsiyan soo jeedin lahaa in ay kuraasida baneeyaan oo ay dalkooda iyo dadkooda u tudhaan Golaha Guurtida , Golaha Wakiilada , Goleyaasha deegaanada dalka iyo komishanka doorashooyinka qaranku si maanta somaliland waa cusubi ugu baryo, qaabkii degdeg loogu gali lahaana laga heshiiyo , si dalku iskula jaanqaado oo uu uga baxo ragaadka iyo raaf-dilaaca doorashooyinku inagu hayaan.

Waxa aynu wax ku nahay isku tanaasulka wadatashiga iyo isqancinta oo caalamkuna inoogu joogsadaa hadii intii meesha ka baxdo oo ay noqoto taydaan wadanayaa , ma garanayo meel Somaliland loo wado , ee bal waa lagu eegi halkaad u socoto !!!

Muhamed Dhimbiil

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this