Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo Booqday Dalka Mexico.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Mexico) Madaxweyne Donald Trump ayaa markale ku dhaartay inuu ku dhawaaqayo xaalad degdeg ah oo qaran si lacag loogu helo dhismaha gidaarka xadka Mareykan iyo Mexico xilli koongareesku ku gacan seeray inay ansixiyaan qarashki lagu dhisi laha.

C8966834-F65C-4724-9C16-A5A9BCB19C9D-102

“Waxaan xaq u leeyahay inaa ku dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran,” ayuu ku yidhi warfidiyeenada xillli uu kusii socday xaflad ay ku lahaayeen xadka.

Waxa uu sidoo kale madaxweyne Trump sheegay in dowladda Mexico ay “si dadbadan” u bixineyso qarashka dhismaha gidaarka.

Laamaha dowladda Mareykanka ayaa qeyb ahaan ay xirnaayeen 20 kii maalmood ee lasoo dhaafay, taasi oo sababtay in ku dhawaad 800 oo kun shaqaalaha federaalka ah ay mushaar la’aan ku dhacdo.

Madaxweyne Trump ayaa diidan inuu saxiixo sharci lagu maalgelinayo dibna loogu furayo howlaha laamaha dowladda haddii aysan ka mid ahayn 5.7 bilyan oo doolar oo lagu dhisayo gidaarka xadka Mexico iyo Mareykanka.

Balse wadahadalo lagu arrinsanayay qarashka dhismaha gidaarka ayaa socon waayay xilli xubnaha dimoqaraadiyiinta ay ku gacan seereen inay ogolaadaan qarashkaasi. Hogaamiyeyaasha Republican-ka ayaa ku adkeysanaya in xisbigu uu garab taagan yahay madaxweynaha, inkastoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay doonayaan in laamaha xukuumadda xayiraada laga qaado

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this