Sign in to follow this  
Deeq A.

G/Banaadir oo ka warbixiyay khasaaraha Dabkii Bakaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay khasaaraha dabkii xalay qabsaday suuqa Bakaaraha ee magaalada caasimada Muqdisho.

Dabka oo ahaa mid aad u balaaran ka bilowday qaybta lagu iibiyo Huudheyda ayaa kusii fididay qaybta kale ee Khudaarta, iyadda oo ugu dambeyntii lagu guuleystay in gabi ahaanba la damiyo.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax, Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir oo ka gaabsaday inuu sharaxo waxa dhaliyay Dabka ayaa tibaaxay in khasaaraha uu ubadan yahay mid Hantiyadeed.

Mr Tuulax ayaa daboolka ka qaaday inay socoto tirakoob uu maamulka gobolka ku sameynayo khasaaraha guud ee dhashay, taasi oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay inaanu noqon mid wayn.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Dab qabsado qaybo kamid ah Suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha, waxaana markii ugu dambeysay ay ahayd sanadkii 2017-kii, markaasi oo khasaaro lixaad ah uu ka dhashay.

The post G/Banaadir oo ka warbixiyay khasaaraha Dabkii Bakaaraha appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this