Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare oo bogaadiyay Gudiga uu magacaabay Khayre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddiga Arrimaha Bulshadda ee Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida qaran oo uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.

Senator Axmed Macalin Nuur [Axmed Nadiir], Gudoomiyaha Guddigaan oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa ku tilmaamay talaabada wasiirka 1aad ee XFS mid timid xili loo baahnaa.

Gudoomiye Axmed Nadiir ayaa balanqaaday inay si dhow ula shaqayn doonan Guddiga, oo ka kooban 11 xubnood, oo  8 kamid ah yihiin Wasiiro, iyadda ay ku jiraan Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Xeer-ilaaliyaha qaranka.

Ugu dambeyntii, Senator-ka ayaa kalsooni wayn ka muujiyay in Guddiga uu ku guuleysto waajibaadka culus ee la saarey, wuxuuna cod dheer ku tilmaamay in gacanta dowladda lagu soo celinayo Hantida haatan maqan.

The post Aqalka Sare oo bogaadiyay Gudiga uu magacaabay Khayre appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this