Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS iyo G/Banaadir oo xal uraadinyaa Barakacyaasha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Maamulka gobolka Banaadir iyo xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka shaqaynayaa sidii dib-udejin loo Barakacyaasha magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow], Duqa Muqdisho, ahna gudoomiyaha gobolka, ayaa tibaaxay in maamulkiisa uu ahmiyad gaar ah siinayo sidii mustaqbalka dhow Barakacyaasha uheli lahaayeen nolal fiican.

Wasaarada Gargaarka iyo Musiibooyinka ee XFS ayuu tilmaamay inay isla garteen in magaalo madaxda laga hirgeliyo xarun looga gurmado dadkaasi, iyo marka ay timaado musiibooyin gaar ah.

Magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin 5-milyan oo ruux ayaa waxaa nool Barakacyaal ku dhibaateysan Xerooyin, waxaana maamulka gobolka iyo dowladda ay wadeen mudooyinkii dambe qorshe loogu gurmanayo.

The post XFS iyo G/Banaadir oo xal uraadinyaa Barakacyaasha appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this