Deeq A. Posted January 10, 2019 Waxaa sii xoogeeystay dab fiidkii caawa ka kacay Suuqa ugu weeyn Soomaaliya ee Suuqa Bakaaraha. Dabkaasi ayaa la sheegay in uu ka kacay Koronto inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin dabka waxa uu ka dhashay. Dadka ayaa ku sii fidaya goobo aad u farabadan oo gudaha suuqa Bakaaraha ah. Goobo ganacsi oo hor leh ayuu dabku sii gaarayaa hadda. Gaadiidka dab damiska ayaa ku guul dareeystat daminta dabkaaasi. Dad weeyne farabadan oo ay ku jiraan ganacsatada ayaa soo gaaraya suuqa. Ciidamada amaanka ayaa lagu soo daadiyay gudaha suuqa inkastoo meelaha qaarna laga soo sheegayo boob loo geeystay goobo ganacsi. Tira koob rasmi ah oo ku aadan qasaaraha dabku uu geeystay lama hayo hayeeshee qasaaraha ayaa aad u badan. Faah faahinta dabkaasi PP kala soco. Xasan Maxamed Samatar Cowke Bakaaro Muqdisho Somalia The post Dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha oo sii xoogeeystay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites