Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Durtaba Hanjabaad Bilaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland: M/Weynaha Cusub Ee Puntland Oo Durtaba Hanjabaad Bilaabay

adaxweyne cusub ee maamul go

 

Maamul goboleedka Puntland, Cabdillaahi Deni ayaa durtaba bilaabay hanjibaadka ku aadan Somaliland.

Cabdillaahi Deni oo ay doorteen xildhibaanada barlamaanka Puntland, oo aan lagu dooran, hal qof, hal cod, sida Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa yidhi “Somaliland baa ku soo xad-gudabtay xaduudka gobolkiisa”..

Waxaanu leenahay, mabruuk doorashadaada, xafiiska iyo masuuliyadda cusub ee kula soo wadaagtay. Lakiin, Mudane, Xaduudka Somaliland waa mid jira oo in ka badan kontan sannadood ka hore la xeeray. Markaa, marka hore miiska laguha hoos gasho, madaxtooyada quruxda badan ee Garoowe ku naso, bisinka qabso, hawlaha kale ee ishaada u baahan ku bilaaw. Hanjibaada jooji.

Somaliland cidna kuma duulaso, cidna kuma xad-gudbaso, lakiinse xuduudkeeda iyo dalkeedaba way difaaci kartaa.

Adigoon weli dawlad dhisan miyaad durbaba Somaliland isku qaaday. Sidaa lama amaaneyn. Waa la is yaqaan. Waa la is bartay. Xidhiidh wanaagsan oo xushmad iyo walaalnimmo leh baa lagula barbar taaganyahan.

Ahmed Khayre

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this