Sign in to follow this  
Deeq A.

Suuqa ugu weyn Soomaaliya oo gubanaya (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dab Xoogan ayaa ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga baqayo inuu kusii faafo goobo kale oo ka baxsan halka uu ka kacay.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay dabeylo xoogan ayaa ka jiray magaalada Muqdisho kuwaasi oo sii faafin kara dabka ka kacay caawa Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Lama yaqaano waxa uu dabka ka bilowday, laakiin wuxuu markii hore ka bilowday qeybta Huudheyda ee Suuqa Bakaaraha, isaga oo goobo kale gaaray.

Dadweyne badan ayaa la arkayaa kuwaasi oo ku baxay goobahooda ganacsiga si ay kaga badbaadsadaan hantidooda inta uusan dabka gaarin.

Gurmad xoogan oo la doonayo in daba lagu joojiyo ayaa hadda socdo, waana markii afaraad oo dab sidaan u xoogan uu suuqa ka kaco labadii sano ee lasoo dhaafay.

Qorshe la’aan ka hortaga Dabka ayaa kordhin kara dababka magaalad ka kaca.

49864953_2066430046809077_67741241627314

dab.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this