Deeq A. Posted January 10, 2019 Somalida iyo bahalka la yidhaaho dhurwaaga ( ama waraabaha qof-ba sidda uu u yaqaano), baa jilbaha is daray, kolkii loo caal-waayey, ee la loodin waayey Mr Dhurwaa, ee in tulud kaga cabaadiyo, hadana afka boodhka soo marsado, oo uu yidhaaho dil isma lahayne, ciddii lahayd u qabo baan ku tallo gashanaa, ee way iska dhintaan. Waraabaw runta sheeg baa lagu yidhi, taasi kaa socon-mayso’e, intaa aad xoolihii ka dhamaysey Ummaddii, baad weliba cayn-kaas u hadlaysaa. wuxu yidhi Dr Dhurwaa, anigu ma cuno xoolahiina, ee markaan arko baadi meel maraysa, baan is idhaahaa u soo qabo ciddii lahayd, dabeed gacmo ma lihiye af-kaan ku qabtaa, iyaka baa iska kay dhufta, markaas baa halkii aan hayey ii soo godaa, meel kale baan qabtaa oo aan is idhaahaa ku dheg, halkiina way ii soo ruqdaa, ee anigu marna isma odhan wax dil, sidaas baa ay ku dhintaan xoola-hiinu. Sidaas markuu ku gar akhristay, baa lagu yidhi “Waraabaw in aad saamo jiidiyo sanqadh tirasho kala daaye”, inta aad neef geela kaga cabaadiso hadana aan raad gato, wax kaa maraaya maaha, ee noo waran, runta sheeg oo wax-ba ha qarin, waayo haday sidaasi kaa dhab tahay maad cararteen, ee waad sugi lahayd dadkii lahaa, ogaw-se waxa aad is leedahay ded, waa cadaan, oo xaal-kaagu cidna kama dahsoona, waxan u soo qaatay, ee ay tahay, u jeedka maqaalkan hoos ka akhri. Candho gudhan, oo ku taal hal abeer ah, weligeed-na aan dhalin, qofka hadhuub la hoos gala, ee is yidhaaha lis, Muxuu ka keeni, saw kumuu hungoobin, inta askarigu u yeedhay ee koofiyad-bacla-yaasha ahi, marka la soo koobo xaal-koodda waa hashaa sare ku qoran, oo waxba kama dheefin,isna wax ay cid ka gaadhsii-nayaa haw fadhiyina. Waxa la yidhi ” Kor waayel waa wado indho”, Waxan uga socdaa, qudbadda uu askarigu uga jeediyey, Kuwa uu sidda caruurta derbi jiifka ah ee dooxa hurdda, goboladda uu dego West Burco Clan, iyo amaanta beenta ah ee beer-lawasiga ahayd, midna wax shaqaynaaya maaha, waxay-na ka dhigan tahay, xaalka Mr waraabe ee aan sare ku soo sheegay, intuu hantiddii xoola dhaqatadda gumaaday, hadana la gar yimi anigu dil ismaan lahayn. kuwa hor fadhiyaana, waxay la nooc yihiin kuwaas waraabaha la gar akhrisnaaya duun-yaddii ka cunay. waxa-se ka soo baxay, xoolihii oo caloosha waraabe ku maqan iyo kuwii la dacwi-yaayey, oo Mr waraabe isugu celceliyey. wax ka soo noqonaaya caloosha Mr waraabe-na aanay jiraan. Waxan uga socdaa oo dulucdda maqaal-kani ay ku fadhidaa, Shuqun-shuuqii ( West Burco Clan ku sheeggii) Bariiska askarigu kaga balamiyey Hudheelka shiraacle, waxay ka dareereen isaga oo af-mooyee, gacan wax ugu dhiibin. Hore akhristaw loo yidhi “Macal Cune Muuqan Dooaaye” Kuwa meesha maraayey wax ay West Burco Clan u goyn karaan baaba iska yar, qaar wax loo dirsadana may ahayn, lamana aqoon, ka soo urursa-dayna, waa lax dhukani abaar moog, dhawr ayaamood qadeeye, waxana ay ku sifoobeen, gabadhii la kufsaday, ee tidhi ” wax-bana maan arag, warna i raac”, oo wadanka waxa ii gashay heblaayo waa la kufsday. waxan ku soo af-xidhay maqaalkan, haddii la rabo boog in la dhayo, waxa la raadiyaa dawadda ay ku bogsa-nayso, ee lama sii fadaadeeyo, dhira-dhabato iyo maskax-buq sun ah laguma sii mudo. Ta uu askarigu sameeyey-na waa sidaas, oo waa biyo col dhaanshay, qaar West Burco Clan wax waydiiyo maaha ( wax kaste oo ay yihiin-ba), hadaad salaadiin kus heegto iyo hadaad shaydaamo ku sheegto, mid-na nooma tirsana, waxa ay yihiin waayeelka jaqaf-sadda, cid ay ka wakiil yihiin, ama diratay oo ay ku celina-yaan haba-sheegin. Wixii ay soo cantuugeena hadda calooshoodda kuma jirto, garxajisna intay shir u qabtaan, odhan maayaan war baanu idiin ahaynaa.ee askariyaw adiga iyo kuwa kuu yimiba, waxa weeye xaal-kiinu, doqoni amaan aanay lahayn bay u rixisaaye. horta yey u cad goyna-yeen aan is waydiino’e? maxay-se qaban karaan? Yey-se wax u sheegi karaan? N.B Kor Waayeel Waa Wadda Indo! Qore:- Abdi-shotaly. ashotaly5@gmail.com Source Share this post Link to post Share on other sites