Deeq A. Posted January 10, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Shirka oo looga hadlayo qorshaha kala guurka ee ciidamada nabad ilaalinta ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho Madaxa xafiiska taageerada howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, Gen Fidza Dludla oo ka qayb kulankaasi ayaa ujeedka shirkaasi ku sheegay xoojinta howlagalkooda dalka. Mr Fidza ayaa xusay in kulankaasi looga hadlay qorshaha ku meel gaarka ah ee ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay kula wareegayaan mas’uuliyiinta ammaanka dalka. Shirka oo ay soo qaban qaabisay dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa difaaca ciidamada AMISOM. Col. Olugbemi Adeboye Obasanjo oo ka tirsan saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa xusay in amniga ciidamada ka jooga Soomaaliya uu yahay mid muhiim ah isla markaana uu qayb ka yahay hindisa AU-da. Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 20,000 oo askar, iyadoo lagu wado in ciidamadaasi ay ka baxaan dalka sannadka 2021, taasoo qayb ka ah qaraar ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. The post Shir ku saabsan bixitaanka AMISOM oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites