Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedada Safar Gudoomiye Cirro ku joogo Kenya+Madaxduu la kulmay & sawirro Qurxoon

Recommended Posts

Deeq A.   
GUDOOMIYE CIRO OO KULAN KULA YEESHAY DALKA KENYA MASUULIYIIN SARE-SARE OO WADDAMADA CAALAMKA KA TIRSAN:
FB_IMG_1547107996392.jpg

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane, Abdirahman Mohamed Abdullahi “Ciro”, oo Hawlo Shaqo ku jooga Dalka Kenya, ayaa kulamo is-dabajoog ah la leh; Wakiilada Safaaradaha Caalamka Qaarkood, Madax-sare oo ka tirsan Xafiiska Midowga Yurub; Deeq-bixiyayaasha S/land ka Caawiya dhinacyada Horumarinta; Daneeyayaasha Dimoqraadiyada iyo Geedi-socodka S/land iyo Weliba hayadaha Samafalka ee ka hawl-gala S/land. Gudoomiyuhu wuxuu kaloo kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madax sare oo ka tirsan Xafiisyada Midowga Africa iyo Igad.

Gudoomiyaha iyo Madaxdan ayaa fhamaantood ka wada-hadlay Sidii loo Xoojin lahaa Xiriirka labada Geesood; Horumarinta iyo Kobaca Dhaqaale ee S/land; Kordhinta Tababarada iyo Xirfadaha Farsamooyinka Gacanta, Shaqo Abuurka Dhalinyada S/land iyo Tayaynta Dimoqraadiyada S/land.

FB_IMG_1547108004379.jpg

Gudoomiyaha iyo Madaxdani waxay kaloo aad u lafa-gureen isbedelka Gobolka ka socda; Amniga Gobolka iyo Hanaanka Dimoqraadiyada ee Somaliland.
Madaxdan iyo Gudoomiyuhuba waxay aad uga doodeen werwer weyna ka Muujiyeen Dibu-dhaca Doorashooyinka Soomaaliland markasta ku yimaada iyo sidii looga gudbi lahaa.

Dhamaan madaxdan uu Gudoomiye Ciro la kulmay ayaa ku amaanay kaalintii iyo Go’aankii Quruxda badnaa ee uu ka Qaatay Xisbi ahaan iyo Musharax-ahaanba Doorashadii Madaxweynaha ee Dalka ka Qabsoontay November 2017.

IMG-20190109-WA0000.jpg

Madaxdan ayaa Xukuumada iyo Xisbiyada Soomaaliland ugu baaqay inay Xaliyaan is-mari waaga Qaabka Doorashooyinka Goloyaasha ku saabsan; Waxayna Madaxdani ugu Baaqeen Xukuumada S/land in iyada Xil gooni ahi ka saaran yahay sidii doorashooyinku Xiligooda ugu dhici lahaayeen.

IMG-20190109-WA0002.jpg

Gudoomiyaha oo Weli ku sugan Dalka Kenya ayaa la filayaa inuu Halkaas ku yeelan doono kulamo kale oo Muhiim ah mudada uu joogo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this