Deeq A. Posted January 10, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu gaarey magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Laftagareen oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan Afhayeenka Gollaha Wakiilada maamul goboleedkaan, Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha mas’uuliyiin. Kulamo kala duwan ayaa lagu wadaa inuu la yeesho Odayaasha dhaqanka, mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, oo uu kala hadlayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waa safarkii ugu horeeyay oo uu Madaxwayne Laftagareen ku yimaad Shabellaha Hoose. Guud ahaan, waa safarkii labaad oo uu galo tan iyo markii la doortay, maadaama booqashadii 1aad uu ku tegay gobolka Bakool. The post Madaxwaynaha KGS oo lagu soo dhaweeyay Baraawe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites