Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DFS oo rag burcad ah ku qabtay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta howlgal ka dhan ah Isbaarooyinka ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose.

Jenaraal Odowaa Yuusuf Bare, Abaanduulaha ciidamada milatariga dalka, ayaa hogaaminayay howlgalkaasi.

Maxamed Ibraahim Barre, gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa fahfaahin ka bixiyay.

Gudoomiye Bare ayaa carabka ku dhuftay in ciidamadda ay ku qabteen Shan ruux iyo hubkooda, kuwaasi oo Jid-gooyo ay utaalay nawaaxiga degmada Afgooye.

Hoos ka dhageyso codka

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/WR.mp3

The post Ciidamada DFS oo rag burcad ah ku qabtay Sh/Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this