Deeq A. Posted January 10, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta howlgal ka dhan ah Isbaarooyinka ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose. Jenaraal Odowaa Yuusuf Bare, Abaanduulaha ciidamada milatariga dalka, ayaa hogaaminayay howlgalkaasi. Maxamed Ibraahim Barre, gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa fahfaahin ka bixiyay. Gudoomiye Bare ayaa carabka ku dhuftay in ciidamadda ay ku qabteen Shan ruux iyo hubkooda, kuwaasi oo Jid-gooyo ay utaalay nawaaxiga degmada Afgooye. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/WR.mp3 The post Ciidamada DFS oo rag burcad ah ku qabtay Sh/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites