Deeq A. Posted January 10, 2019 Garowe (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta wuxuu shir gudoomiyay kulankii ugu horeeyay wasiirada dowlad goboleedkaan. Kulankan oo uu qayb ka ahaa Madaxwaynihii hore ee maamulkaan, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya amniga degaanada Puntland. Madaxwayne ku xigeenka cusub, Axmed Karaash, iyo ku xigeenkii hore, Cabdixakiin Camey, ayaa kamid ah madaxdii Shirka Todobaadlaha ah ee Wasiirada Puntland kasoo muuqatay. Gaas oo kulanka ka hadlaya ayaa ka dalbaday wasiiradda inay la shaqeeyaan Madaxwaynaha cusub inta laga soo magacaabayo Golle iyaga bedalaya. Sikastaba ha ahaatee, marka la calaamo-saaro kadib, ayaa la filayaa in Madaxwaynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu ka fekero soo magacaabista Wasiiro la rajeynayo inay xubno cusub ubadnaadaan. The post MD Dani oo gudoomiyay shirka wasiirada PL appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites