Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya: “Ciidamadeenu way sii joogayaan Somalia”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Xoghayaha joogtada ah  wasaraada arrimaha dibada Kenya, Macharia Kamau, ayaa sheegay in ay adag tahay  in ciidamadooda xiligani ay kasoo saaraan dalka ilaa iyo inta laga soocelinayo nabadii iyo xasiloodii Soomaaliya

Isagoo warbaahinta kula hadlayay magalada Nairobi xarunta dalkaasi  ayuu sheegay in ay fududaday in laga qeybgalo nabadeynta Soomaaliya basle ay adag ay tahay in laga soo baxo Somalia, sida uu yiri.

Mr  Kamau ayaa  intaasi ku daray hadlkiisa  in uu ku kalsoon yahay in kaalinta  haatan Kenya ay  ka ciyaarayso  nabadeynta Soomaaliya.

Hadalka xoghayah ayaa kusoo aadaya iyadda oo Madaxwayne Uhuru Kenyatta uu wajahayo cadaadis ku aadan inuu ciidamadiisa kala soo baxo Soomaaliya.

Qorshahaan oo ay hor-boodayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa doonaya in si loo dhigo kaalinta dalkooda ee nabadeynta Soomaaliya, taasi oo ay ku yareynayaa khasaaraha ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha wadankaasi.

Ciidamada Kenya oo gudaha dalka soo galay sanadkii 2011-kii ayaa qayb ka ah howlgalka AMISOM, iyaga oo ku sugan goboladda Jubooyinka, halkaasi oo ay ku leeyihiin saldhigyo waawayn.

The post Kenya: “Ciidamadeenu way sii joogayaan Somalia” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this