Deeq A. Posted January 10, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, oo ku sugan degmada Afmadow ayaa sheegay in isbedal lagu sameynyo maamulka degmadaasi ka tirsan gobolka Jubadda Hoose. Mr Axmed Madoobe oo fahfaahinaya ujeedka ay ka leeyihiin arrintaasi, wuxuu ku tilmaamay si shacabka ay uhelaan adeegyadda ay uga baahan yihiin maamulka. Dhanka kale, Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay in dhowaan la qaadi doono guluf ay ku xorreynayaa degaanada ka maqan gacanta dowlad goboleedka Jubbaland. Ugu dambeyntii, shacabka iyo ciidamada ayuu ku tartarsiiyay inay udiyaar-garoobaan dagaal balaaran oo uu shaaciyay in dhowaan la qaadi doono, islamarkaana ka dhan ah Al-Shabaab. The post Isbedal lagu sameynayo maamulka D/Afmadow appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites